Taliyihii Ciidamada Xooga iyo Abaanduulihiisii oo Xilka laga Qaaday

Muqdisho (KON) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa waxaa Xilalka looga qaaday Taliyihii Ciidamada XDS Gen Daahir Aadan Cilmi "Indha Qarshe" iyo Abaandullihii Ciidamada Xooga Gen Cabdi Risaaq Khhaliif Cilmi.
Warar Keydmedia Online
Taliyihii Ciidamada Xooga iyo Abaanduulihiisii oo Xilka laga Qaaday

Madaxweynaha ayaa u Magacaabay Gen Cabdulaahi Cali Caanood Taliyaha Cusub ee Ciidamada XDS, halka Gen Cagey oo ahaa Taliyaha Guutada Hilaac loo Magacaabay Abaandullaha Cusub.

Waxaa la sheegay in Arrintaan ay ka danbeysa kadib isbadal uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh maxamuud uu sheegay in uu ku sameenayo laamaha Amaanka dalka.

Wararka Qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu isbadal ku sameen doono Saraakiisha Booliska iyo Nabadsugida Soomaaliya.

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho