Tallaabada uu Farmaajo qaaday waa sharci darro

Warqadda uu soo saaray Farmaajo wuxuu ku timamay  “is-miidaamin siyaasadeed, falaad iyo foori diiran, sii hurin khilaafkii siyaasadda iyo abuurista jawi keena qalalaase amni”.

Warar Keydmedia Online
Tallaabada uu Farmaajo qaaday waa sharci darro

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) soona qabtay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, ahna aqoon yahan cilmiga Qaanuunka Dambiyadda, ka heysta shahaadada PHD, ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabada u Farmaajo, shaqada kaga joojiyay Ra’iisul Wasaaraha.

“Tallaabada uu maanta qaaday Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, waa sharci darro, mana jirto meel ay Dastuurka KMG ah uga qoran tahay inuu Madaxweyne shaqada ka joojin karo Ra’iisal Wasaaraha” Ayuu yiri Muun-gaab.

Warqadda uu soo saaray Farmaajo wuxuu ku timamay  “is-miidaamin siyaasadeed, falaad iyo foori diiran, sii hurin khilaafkii siyaasadda iyo abuurista jawi keena qalalaase amni”.

Muun-gaab, wuxuu xusay Ujeedada ugu weyn ee Farmaajo ka leeyahay  waraaqda ay tahau inuu ku hor istaago dadaallada lagu doonayo in Kiiska Ikraan Tahliil laga gaaro caddaalad, lana caddeeyo ciddii mas’uulka ka ahayd.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baqayaa in ay garab istaagaan dadaalada uu wado Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee lagu doonayo in Dalka ay ka dhacdo Doorasho hufan iyo in Ikraan Tahliil ay hesho Caddaalad”. Ayuu sidoo kale yiri Guddoomihii hore ee Gobolka Banaadir.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.