Tallaabo ay qaadey Kenya oo ka farxiysay reer Muqdisho

Mudo hal bil ah ayuu hakad ku jiray duulimaadka labada dal, taasoo saameyn weyn ku yeelatay ganacsiga.

Warar Keydmedia Online
Tallaabo ay qaadey Kenya oo ka farxiysay reer Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Ganacsatada ku sugan Muqdisho, gaar ahaan dadka ka shaqeeya Travel Agency ayaa aad usoo dhaweeyay dib u furida duulimaadka tooska ee Nairobi iyo Muqdisho.

Duulimaadka ayaa Maanta billowday, waxaana la filayaa inay dad badan oo safar wareeg ah u mari jiray Nairobi ay ka raysan doonaan, waxaana sidoo kale dhanka ganacsiga ka dhigaysaa mid xoogeysta.

Qiimo aad u sareeya oo gaaraya $600 oo dollar ayuu gaarey Tikidka, oo markii hore ahaa $220, iyadoo qofka ku qaadanaysay 8 saacadood inuu ku tago Kenya, maadaama laga soo wareegayay Itoobiya.

Kenya ayaa si lama filaan ah u xirtay hawada Soomaaliya, iyadoo dib uga laabatay go'aankaas 10-kii bishan, kadib markii wadahadallo u furmeen labada dowladood, iyadoo lagu wado in Safaaradaha labada dhinac dib u furaan.

Kenya ayaa ku cadaadinaysa dowladda Soomaaliya inay dib u furto duulimaadyadii Qaadka oo tan iyo 2020 kadib markii Covid-19 ka dilaacay wadanka, iyado markii dambe uu xaaladda Farmaajo siyaasadeeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.