Tallaalka COVID-19 oo dalka laga billaabi rabo

Sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Puntland waxaa lagu wadaa in muddo laba toddobaad ah gudahood magaalada Garowe la keeni dooni Tallaalka Caabuqa Covid-19

Warar Keydmedia Online
Tallaalka COVID-19 oo dalka laga billaabi rabo

GAROWE, Soomaaliya - Dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay lagu wadaa in la keeno tallaalka Caabuqa Covid-19, waxaana labada toddobaad ee soo socota gudahood lagu wadaa in la keeno magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland halkaasooo si rasmi ah looga billaabi doono.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay in 300,000 (Saddex boqol oo kun) oo ruux lagu wado in tallaalka ay qaataan, waxa uuna tilmaamay in inuu dalka soo gaari doono 25-26 ka bishan aynu ku jirno, waxa uuna haatan yaalaa magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.

Caabuqa Covid-19 ayaa faro ba'an ku haya gudaha dalka Soomaaliya, waxaana kor ukacay tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka oo laga helayo maalin waliba, iyo sidoo kale dadka u dhimanaya caabuqa oo ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya in uu sii kordhayo dhibaatadiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.