Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo kiiska Ikraan – CCW

Qeylo-dhaan xooggan ayaa laga muujinayaa waan-waan u jeedkeedu yahay hoosaasin oo ay xalay Madaxtooyada ka dhex bilaabeen Qoorqoor iyo Maxamed Mursal.

Warar Keydmedia Online
Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo kiiska Ikraan – CCW

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in Qoorqoor iyo Maxamed Mursal ay Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Xil-gaarsiinta ku cadaadinayaan inuu ka tanaasulo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, kadib markii ay ka soo quusteen Farmaajo oo sifo sharci-darro ah ku jooga xaafiiska Madaxweynaha.

“Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xumahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo”. Ayuu yiri Warsame.

Musharax Madaxweyne, Cabdiraxmaan, wuxuu xusay in aan gorgortan laga gali karin, baaritaanka socda ee kiiska Ikraan , isla-markaana aan gabbaad loo noqon Karin eedeysanayaasha uu hoggaaminayo Fahad Yaasiin.

“Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo xagal daacinta caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, iyo gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in RW uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka”. Ayuu sidoo kale yiri hoggaamiyaha Wadajir.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BFS, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa xalay labada xaafiis ka dhex billaabay waan-waan, u jeedkeedu yahay in la daboolo kiiska kraan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.