Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Tarsan oo shalay khudbad ka jeediyay kulan lagu taageerayey Xukuumadda oo ka dhacay degmada Waaberi ayaa sheegay ku tilmaamay "Wax laga xumaado" Aminiga magaalada Muqdisho iyo Mas'uuliyiinta Ajaanibta in lagu casumo Garoonka Diyaarada ee Adan Cadde, Amaan xumo awgeed.
"Intay Xukuumada NGO- iyo ururo Ajnabi ah leeyihiin madaxdiina ha yimaadaan Garoonka amni xumo magaalada laga sheegayo waa uur ku taallo iyo liiditaan" Ayuu yiri Tarsan.
“In la xoojiyo hay’adaha Dawlada ee Amniga,in la tayeeyo oo wixii ay ubaahan yihiin Ciidamadeena,suuragal maahan in askarigii difaaci lahaa shacabka iyo dalkaba uu qoriga ugu jiro afar xabadood, waa wax laga yaq yaqsado"
"Sidaan ma soconeyso in Caasimada Amnigeeda wali la sugin" Ayuu yiri Tarsan oo dadweynaha la hadlaayay.
Sidoo kale Tarsan ayaa ka hadlay Waxbarashada Muqdisho wuxuuna Dowlada Cusub ka codsatay iney degmo walba oo ka tirsan gobolka Banaadir ka hirgeliso ugu yaraan Seddex Iskuul kuwaasi oo si lacag la’aan ah wax loogu baran karo "si looga gudbo jahliga iyo Qabiilka sababay Colaadaha".
’’Hadaan nahay shacabka Muqdisho waxaan rabnaan sheeganeynaa waxaan dowladda ka codsaneyna in degmo kasta oo ka tirsan G/Banaadir ay ka hirgeliso Sadex Iskuul oo lacag la’aan ah si caruurta Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho wanagsan’’ ayuu yiri guddoomiye tarsan.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments