Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo la hadlay saakay Wariyayaal ay ka mid yahiin wariyaha Keydmedia ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya ay haatan joogaan Argagixisada ugu arxanka daran Caalamka oo doonaya in ay ka dhigtaan Soomaaliya hooy ay ku gambadaan oo ay Ukumo ku Dhalaan.
Wuxuu sheegay Dawladaha NATO iyo quwadaha Aduunka ay Al Qaacida kula dagaalamayaan mudo 11 sana ah dalka Afganstan sidaasi daraadeedna Soomaaliya ay u baahnaan doonto in Aduunyada ay kala qeybqaadato Dagaalka ay Dowlada TFG-da iyo Dowladaha xulufada la ah kula jiraan Al Qaacida.
Ugu danbeynti wuxuu ka codsaday Qaramada Midoobay in ay ka qaado Dalka Soomaaliya cunaqabateynta dhinaca hubka si buu yiri ay Dowlada u hesho kaalmooyin xaga Milatariga ah.
Keydmedia. net
Add comment
Comments