Tarsan “Dhul lacag la’aan ah ayaan siineeynaa cidii Warshaddo ka furaneysa Muqdisho”

Muqdisho (Keydmedia Online) - Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoonmiyaha gobbolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa mar uu ka hadlaayay warbaahinta Muqdisho waxaa uu sheegay in cidii dooneysa in mashaariic hormarineed iyo Warshado ka furaneysa magaalada Muqdisho ay siin doonaan dhul ay deggan.
Warar Keydmedia Online
Tarsan “Dhul lacag la’aan ah ayaan siineeynaa cidii Warshaddo ka furaneysa Muqdisho”

Gudoomiyaha Gobbolka Banaadir ayaa waxaa uu dadaal dheeraad ah ugu jiraan sidii loo soo celin lahaa bilicdii iyo kala dmabeyntii caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, ayadoona uu gor gortan ku saabsan dib u dhiska iyo hor marinta adeegyada caasimada uu la soo garay masuulyiin uu kamid yahay Duqa magaalada Istanbuul ah magaalo aa du bilic wanagsan.

Hadalka Tarsan ayaa ku soo beegmaya xili ay soo baxayaan warar sheegaya in dhismaha bacadlihii Xamarweyne oo hadda dacatir lagu wado la doonayo in laga iibiyo shirkado shisheeye, waxaana dadka ay hadda durbaba bilaabeen kacdoon ay arrintaasi uga soo horjeedaan.

Masuulyiin Dowladda KMG ah ka tirsan ayaa horay dhul u siiyay shirkado shisheeye kuwaasoo hadda ka howlgala qeybo badan oo caasimada ka tirsan.

Keydmedia Online - Xafiiska, Muqdisho