Tarsan: Hey’adaha ayaa sabab u ah geerida Shacabka

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku eedeeyay hey’adaha ku qaraabta magaca samafalka in ay yihiin kuwa mas’uulka ka ah geerida shacabka u dhimanaya Gaajada.
Warar Keydmedia Online
Tarsan: Hey’adaha ayaa sabab u ah geerida Shacabka

“ Maxay tahay sababta ay hey’adaha shacabka ugu quudin la’yihiin  gudaha Dalka, oo ay raashiinka u geeyeen xuduudaha, soo taas macnaheeda ma ahan shacabka ha geeriyoodaan” sidaa waxaa  yiri isaga oo ay caro ka muuqato gudoomiyaha Gobalka banaadir.

Tarsan waxa uu sheegay in aan loo dulqaadan Karin dhibaatada ay umada Soomaaliyeed ku hayaan hey’adaha sheegta magaca Samafalka waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay ka tashadaan hagarta hey’adaha.

www.keydmedia.net