Tarsan: Odayaasha Dhaqanka Codsada in lasii daayo Dambiile, ayagaa Dambiile ah

Muqdisho (KON) - Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa si kulul u dhaliilay Odayaasha Dhaqanka, kuwaasoo ayaantaan dambe difaacayay Dadka lagu eedeeyo Argagixisnimo.
Warar Keydmedia Online
Tarsan: Odayaasha Dhaqanka Codsada in lasii daayo Dambiile, ayagaa Dambiile ah

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan Odayaal farabadan oo Xabsiyada oga daba taga Dhalinyarada Al-shabaabka ah ee Ciidamada Amaanka ay soo qabtaan kuwaa oo ku dooda in aysan wax danbi ah laheyn.

Tarsan isagoo hadal u jeedinayay hawl-adeennada kawaanka Bari ee Muqdisho oo uu booqday ayuu ugu baaqay Waxgaradka reer Muqdisho in ay ka tanaasulaan falalkaasi islamarkaana aysan difaacin danbiileyaasha Al-shabaab oo dhibaato ku haya Ummada Soomaaliyeed.

Tarsan ayaa sheegay in xushmad weyn ay mudan yihiin Odayaasha dhaqanka, hase yeeshee Maamulka Banaadir uu uga dulqaadan doonin isku day lugu sii daynayo qof dambiile ah.

"Adinka ayey idin Agoorsanayeen, Masaakiin ayee laayeen, mana ka tooba keenin Dambiyada ay galeen adinakah waa difaaceysaan, labadaas arimood isma qabanayeso (...) "abiil yaan loogu ergeyn Nimankaas (...) Kii sii daayo Dambiile, asigaa Dambiile ah” ayuu yiri Tarsan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Tarsan dhaliilo Odayasha Dhaqanka gaar ahaan kuwa kusugan Magaalada Muqdisho, ayadoona uu horey ugu eedeeyey in  odayaasha  ay gabee kaalintii looga baahnaa.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho