Tarsan oo falalka Amni Darrada ku eedeeyay Siyaasiyiinta Muqdisho

Muqdisho (Keydmedia) - Guddoomiyaha Gobolka Baanadir iyo Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegey in Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir iminka ay ka soo baxeen Mugdigii iyo cabsidii una taagan yihiin sidii ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen isla markaana dib u dhiska Dalka ay qayb ka qaadan lahaayeen.
Warar Keydmedia Online
Tarsan oo falalka Amni Darrada ku eedeeyay Siyaasiyiinta Muqdisho

Xaaladda Muqdisho ayuu ku sheegey Guddoomiyuhu mid haatan ka soo reyneysa isagoo dhinaca kalena Farta ku fiiqay in ay jiraan Laba cadow oo aan Oggoleyn Nabad iyo Degganaansho Muqdisho ay ku damaashaaddo.

Tarsan ayaa  labadaas Cadow mid ku sheegey inuu yahay Kooxda Shabaab oo uu sheegey in Dagaal Cad ay kula jiraan Xukuumadda kuwaasina sida  muuqata ay yihiin Cadow ku soo duulay Shacabka Soomaaliyeed.

Cadowga labaad ayuu Guddoomiyuhu ku sheegey inuu yahay Rag Siyaasiin ah oo Damac Siyaasadeed uu ku jiro sidaa darteedna  si ay Mansab Siyaasadeed ay u gaaraan ka shaqaynaya waa siduu hadakla u yiriye Carqaladeynta ammaanka uqdisha kuwaasoo uu sheegey inay ka shaqaynayaan falalka amni darro ee Magaalada ka jira. Hadii aan soo bandhino Qorshe Amniga lagu sugayo waxaay keenayaan mid ka soo horjeeda "say horayba u dhacday.

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa ugu baaqay Siyaasiintaas inay ka waantoobaan Falalka aan wanaagsanayn ee ay gacamaha kula jiraan isagoona ku hanjabay inaan marnaba loo dul qaadan doonin in Siyaasiintaasi ay sii wadaan Carqaladeynta ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho.

''Waxaa jiray marki hore Shabaab laakiin hada waxa yimid Warbaahinti iyo Siyaasiyiin xoog wax ku doonaya, anagana waxaan la mari doonaa sharciga, mana iska indha tiri doono balaayada iyo khilaafka ay soo wadaan warbaahinta iyo qolyaha jago doonka ah '' waxaa sidaa yiri mudane Tarsan.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa si weyn ugu booriyay Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay Ilaashadaan ammaankooda isla markaana ka hor tagaan kuwa doonaya in Nabaddooda ay dib u celiyaan.

Si kastaba ha ahaatee Guddoomiyaha Gobolka banaadir ayaan cidna si toos ah u abbaarin in kastoo ay jiraan Siyaasiin durbaba hadalkiisa durbaba Mucaaradday kuna Eedeysey Guddoomiyaha Qudhiisa inuu wax ka ogyahay Kooxo Bur Cad badeed ah oo Xarumo ku leh magaalada Muqdisho.


Keydmedia.net // Wadanka