Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Tartankan oo ay ka qayb-qaadanayeen arday ka kala timid magaalooyinka Xuddun, Awr-boogeys, God'aalo, Fiqi-Fuliye, Laasa-curdan, Biyo-guduud iyo magaalada Taleex oo iyadu marti-gelinaysay, iyadoo munaasabadda lagu soo gabgabeynayay tartankan ay kasoo qaybgaleen culummo, waxgarad iyo dadweyne fara badan oo lagu casuumay.
Ardaydii kaalimaha hore ka galay tartanka ayaa waxay kala ahaayeen:
Ugu dambayntii waxaa shahaadooyin iyo abaalmarinno kala duwanla siiyay ardaydii kaalmaha hore galay, waxaana guddoonsiiyay Suldaan Siciid Guuleed San-yare wuxuuna ku boorriyay ardaydii kasoo qaybgalay tartanka inay dadaal sameeyaan si ay u gaaraan kaalimaha hore, isagoo ka codsaday ganacsatada iyo waaliidiintaba in loo guntado sidii loo dhiirri-gelin lahaa carruurta si ay jahliga uga badbaadaan.
Ganacsade C/raxmaan Cumar Cali oo ka mid ahaa dadkii kasoo qayb-galay munaasabadda ayaa lacag dhan 200 oo doollarka gudoonsiiyay ardaygii kaalinta koowaad galay, waxaanu ballan-qaaday inuu sannad walba lacatan oo kale siin doono ardaygii kaalinta koowaad ka gala tartanka Qur’aan akhriska ah.
Warbixinta Seynab Cabdi Warsame, HON
Add comment
Comments