Taiwan oo xafiis ka furatay Hargeysa

Munaasabadda xariga looga jarayay xafiiska cusub ee Taiwan ee Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gollaha wakiillada, wasiiro iyo marti sharaf kale oo ka tirsan Somaliland. 

Warar Keydmedia Online
Taiwan oo xafiis ka furatay Hargeysa

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka aan Aqoonsiga caalamiga ah ka heysan dunida ee Taiwan ayaa maanta si rasmi xafiis diblumaasiyadeed kaga furtay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland.

Munaasabadda xariga looga jaray xafiiska cusub ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro iyo masuuliyiin kale ee ka tirsan Somaliland, kuwaas oo khudbado dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay goobta, waxeyna intooda badan sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin xiriirka labada dhinac.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa qaab online ah kaga qeyb qaatay xafladda furitaanka xafiiska cusub ee Taiwan ku yeelaneyso Somaliland, waxaa uuna bogaadiyay iskaashiga cusub ee labada maamul dhex mari doono, isagoona intaa ku daray in tani ay bilow u tahay siyaasadda fur furan ee Geeska Afrika.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa dhawaan qoraal uu soo saaray ku sheegay in Shiinaha uu yahay dal madax banaan, islamarkaana aan lagu soo xad gudbi karin taako ka mid ah dhulkooda.

Xiriirka labada maamul ee aan aqoonsiga heysan ee Taiwan iyo Somaliland ayaa soo shaac baxay horaantii bishii Luulyo, kadib markii diblumaasiyiin ka socdo Taiwan ay soo gaareen Hargeysa.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.