“Tiradeenu waxay ahayd 3,000 hadana 180 dhaawac ah oo anigu aan ku jiro!”

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraalkan ku qoray Bartiisa Facebook, iyadoo maalmihii u dambeeyay la isla dhexmarayay wararka ku saabsan dhimashada Ciidankii sida qarsoodida ah loo geeyay Erataria ee markii dambe Gobolka TPLF ta kula dagaallamay Tigreega.

Warar Keydmedia Online
“Tiradeenu waxay ahayd 3,000 hadana 180 dhaawac ah oo anigu aan ku jiro!”

Isagoo ehelkiisa lasoo xiriiray wuxuu yiri "Tiradeenu waxay ahayd 3,000 hadana wax nool waxaan ka arkay 180 dhaawac oo anigu aan ku jiro!"

Mid ka mid ah caruurtaas oo maalmo kahor la soo xiriiray eheladiisa wuxuu sheegay in la geeyay magaalada Mekele ee Gobolka Tigreega ayna ka qayb galeen dagaalkii halkaas ka socday, wuxuuna sheegay in tiradoodu ahayd 3,000 hadana wax nool uu ka arkay 180 dhaawac ah oo isagu ku jiro.

"Waa arin aad u foolxun, murugo iyo uur-kutaalana ku beertay ehelada caruurtooda lagu xasuuqay dagaalka Itoobiya ka holcaya. "Waxaan ugu baaqayaa Musharaxiinta, Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka iyo Siyaasiinta in gacan la siiyo waalidiinta caruurtaas dhalay oo lala baadi-goobo caruurtooda nolol iyo geeri mid uun!: ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salad oo kamida xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS.

Dhacdadan ku saabsan askarta soomaaliyeed ee markii horeba sida qarsoodida ah loo geeyay dalka Eratariya haddana looga faa'iideystay dagaalkii Tikreega lagu qaaday ayaa wal wal ku abuurtay waalidiin Soomaaliyeed kuwaasoo caruurtooda nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin aan ka war qabin.

Taliyaha NISA Farah Yaasiin iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa aaminsan in dalalka Itoobiya iyo Eratariya ay ka gacan siin karaan sidii ay kusii joogi lahaayeen kuraasta ah hadda joogaan waayo badan oo soo socda, madaxweynaha Eratariya Afwarki waa kaligii taliye xoog ku haysta oo aan doorasho ogoleen, Abiy Axmed isna waa nin dhallinyaro ah oo xikun jecel, muddo kororsi uu sameystay awgeed ayey dowlad degaanka Tigreegu u kaceen, dagaalna ugu qaaday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.