Toogasho ka dhacay xarunta Puntland

Ninka la dilaya ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Siciid aw-Yussuf, kaasoo kamid ahaa dadka shacabka ah ee ku sugnaa Suuqa magaaladda.

Warar Keydmedia Online
Toogasho ka dhacay xarunta Puntland

GAROWE, Puntland - Askari katirsan booliska Puntland ayaa Maanta qof shacab ah ku dilay suuqa magaaladda Garowe, ee xarunta maamulka Puntland, sida ay sheegeen Saraakiisha.

Taliska booliska ayaa sheegay in askari uu furay rasaas xili uu ku guda jiray canshuur arruurin uu ka sameynayay Suuqa, waxaana ku dhintay xabadaha Cabdulqaadir Siciid Aw-Yussuf, iyadoo dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Askariga ayaa la qabtay kadibna dhigay xabsi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.