Toogasho ka dhacday suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Ammaanka Muqdisho ayaa ah mid aan la isku haleyn karin, waxaana ka dhaca dilala qorsheysan iyo qaraxyo.

Warar Keydmedia Online
Toogasho ka dhacday suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qeybta loo yaqaan Cabdalla Shideeye ayaa waxay sheegayaan in rag ku hubeysan bistoolado ay halkaasi ku dileen askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Raggii dilkaasi geystay ayaa goobta isaga baxday, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ay durba bilaabeen howlgal lagu baadigoobayo dadkii dilka ka dambeeyey.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.