TPLF oo gantaallo ku weerartay Caasimadda gobolka Amxaarada

Dhowr Qarax ayaa laga maqlay Caasimada Gobolka Amxaaradda ee Bahir Dar, iyadoo lagu soo waramayo in khasaare uu ka dhashay qaraxyadaasi.

Warar Keydmedia Online
TPLF oo gantaallo ku weerartay Caasimadda gobolka Amxaarada

ADDIS ABABA, Itoobiya - Saraakiisha ammaanka Maamulka Amxaarada ayaa sheegay in qaraxyadan ahaayeen Gantaallo lagu soo tuuray magaaladda, kana yimid dhanka TPLF, wallow ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan khasaaraha ka dhashay.

TPLF ayaa dhowaan sidan oo kale Gantaallo ugu garaacday gobolka Amxaarada, xilli dagaaka ka socda gobolka Tigray-ga yahay mid xooggan.

Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hoggaanka TPLF siiyey 72-saac oo ay isku soo dhiibaan, wixii ka dambeeyana aanay fursad kale jiri doonin.

Dhanka kale, TPLF ayaa sheegay in aysan jirin wax is dhiibis ah, dagaalkana uu socon doono.

Bahir Dar ayaa ah magaallo Istraatiji ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.