TPLF oo xaqiijisay iney soo riday Diyaarad dagaal

Dagaalka u dhaxeeya Labada dhinac ayaa ah mid aad usii xoogeysanaya.

Warar Keydmedia Online
TPLF oo xaqiijisay iney soo riday Diyaarad dagaal

ADDIS ABABA, Itoobiya - Ururka TPLF oo dagaal xooggan kula jira dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa xaqiijiyey iney soo rideen Diyaarad dagaal oo damacsaneyd in duqeyn ay ka fuliso deegaan ka tirsan gobolka Tigreega.

Getachew Reda, afhayeenka Ururka TPLF, ayaa isaga oo la hadlayey warbaahinta Tigreega wuxuu sheegay in diyaaraddan ay shalay soo rideen, sidoo kalena ay khasaare u geysteen ciidanka qaranka Itoobiya.

Sidoo kale, Afhayeenkan ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay wararkii ay baahiyeen saraakiisha ciidanka federaalka Itoobiya ee ah in magaalooyin ka qabsadeen Tigreega.

Dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo dowladda federaalka Itoobiya ayaa xoogeystay, waxayna Labada dhinac isku adeegsanayaan hub aad u xooggan.

Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa Arbacadii ku dhowaaqay howlgal a dhan ah TPLF, iyadoo xaalad degdeg ah lagu soo rogay gobolka Tigreega.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.