TPLF:  “Xitaa roobku nagama hor istaagayo Addis Ababa”

Waxaa la sheegayaa in ugu yaraan 400 qof oo rayid ay ku geeriyoodeen dagaalada maalmihii la soo dhaafay ka socday  degaanka Garba Ciise oo dhaca xadka Jabuuti iyo Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
TPLF:  “Xitaa roobku nagama hor istaagayo Addis Ababa”

MAKALLE, Itoobiya - Kooxda TPLF ee ka dagaallanta waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadooda ay kusii siqayaan jiha kasta, isla markaana aysan jirin cid hor istaagi karta xitaa xilligaan oo uu roobku ka da’ayo dalka.

Afhayeenka kooxdaas Getachew Reda ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku yiri “Ciidamadeena waxay kusii siqayaan jiha kasta, ma jirto cid na hor-istaagi karta xitaa roobka”.

Xukuumadda uu hogaamiyo Abiy Axmed ayaa wadda abaabul iyo guluf dagaal oo ay doonayso in ay kaga hor-tagto TPLF, oo u muuqada mid soo xoogaysatay islamarkaana qabstay magaalooyin dhowr ah oo dhaca waqooyiga dalkaas.

Dhanka kale waxaa maalmihii la soo dhaafay degaanka Garba Ciise ay dagaallo qaraar ku dhexmarayeen  Soomaalida iyo Canfarta, kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliya.

Waxaa la sheegayaa in ugu yaraan 400 qof oo rayid ay ku geeriyoodeen dagaalada maalmihii la soo dhaafay ka socday  degaanka Garba Ciise oo dhaca xadka Jabuuti iyo Itoobiya.

Xukuumadda dowlad Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay difaaci doonto dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan  aagga Garba Ciise kuwaas oo xasuuq ba’an ay u gaysteen maleeshiyada Canfarta ee maamulkoodu uu taageerayo.

Dalka Itoobiya waxaa hadda ka holcaya dagaallo xoogan oo u dhexeeya qowmiyadaha dalkaas iyo dowladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed, waxaana ay ka dhasheen xaalado siyaasadeed, kadib markii dowladda dhexe ay  howlgal ku qaaday gobolka Tigreega. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.