Turkiga oo cambeereeyay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarrada, laakiin Al-Shabaab, oo gacan saar la leh Al-Qaacida, ayaa ka dambeysay dhowr dhacdo oo noocan oo kale ah oo ka dhacay dalka.

Warar Keydmedia Online
Turkiga oo cambeereeyay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

ANKARA, Turkey - Turkiga, oo saaxiib dhaw la leh dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareeyay weeraro argagixiso ah oo galaaftay nolosha ugu yaraan 8 qof oo Soomaali ah.

"Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan argagixiso, waxaan u tacsiyaynaynaa dadka walaalaha ah iyo Dowladda Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay maqaaxi caan ah oo ku taal magaalada Caasimada ah ee Muqdisho habeenkii Jimcaha, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa xigay qarax miino ka dhacay degmada C/casiis saakay oo Sabti ah, kaasoo lala eegtay Maareeyaha guud ee dekadda Muqdisho Axmed Washington C/casiis isagoo marayay isgoyska Mirinaayo, ee gobolka Banaadir.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarrada, laakiin Al-Shabaab, oo gacan saar la leh Al-Qaacida, ayaa ka dambeysay dhowr dhacdo oo noocan oo kale ah oo ka dhacay dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.