Turkiga oo ka digay rabshado ka dhaca Soomaaliya

Dalka Turkiga ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay dhacdooyinkii xumaa ee dhawaan ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ka dhashay muranka hannaanka doorashada ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Turkiga oo ka digay rabshado ka dhaca Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in dhamaan dhinacyada ay quseyso xalka arrinta doorashooyinku ay isgu yimaadaan miiska wada hadalka lagana dheeraado tallaabo kasta oo keeni karta rabshado kale.

“Waxaa muhiim ah in dhammaan dhinacyada oo dhami ka wada shaqeeyaan xal guud iyagoo ka fogaanaya tillaabooyinka horseedi kara rabshado”. Ayaa lagu yiri war ka ka soo baxay Turkiga.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Turkiga waxa ay sii xoojisay baaqyadii Beesha Caalamka ee salka ku hayay in la ilaaliyo heshiiskii 17-kii September lagu gaaray Muqdisho waxayna qoraalka ku sheegeen in ay lagama maarmaan ay tahay in Dowladda Federaalka iyo Hoggaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay isu yimaadaan kuna xalliyaan khilaafaadka wadahadal loo dhan yahay oo wax ku ool ah oo ku saleysan heshiiskii 17 September 2020.

"Waxaan aaminsannahay in saaxiibadeenna iyo walaalaheenna Soomaaliyeed ay leeyihiin rabitaan iyo biseyl siyaasadeed si ay u go'aa uga gaaraan  mustaqbalkooda," ayaa sidoo kale lagu yiri warka ka soo baxay Turkiga.

Waxa ay ku sii dareen “Xaaladda jirta awgeed, waxaan rajeyneynaa in is afgarad laga gaaro arrimaha doorashada, iyadoo lagu saleynayo is-faham aan dib u dhac dambe ku imaan”.

Dowladda uu waqtigeedu dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa Jimcihii isku dayday in ay qaarijiso Madaaxweynayaal hore, siyaasiyiin bannaanbaxayay iyo dad shacab ah taas oo xaaladda sii adkeysay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.