Turkiga oo tababar cusub u billaabay Ciidamada xoogga dalka

Dowladda Turkiga ayaa tababar cusub u bilaabay Ciidamada lugta Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Turkiga oo tababar cusub u billaabay Ciidamada xoogga dalka

Sida ay shaacisay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, Turkiga ayaa tababar cusub u furay ku dhawaad 450 Askari oo kamid noqon doonaan Ciidamadda lugta Soomaaliya, 

Ciidamadaan oo uu tababarka uga furmay Xarunta Turkigu ku tababaro Ciidamada Soomaaliya ee ku taala Magaalada Muqdisho ayaa noqonaya dufcadii 6aad oo loo tababarayo ciidanka lugta.

Tababarkaan ayaa la filayaa inuu sii socda illaa bisha march ee sanadka 2021, wuxuuna leeyahay qeybo kala duwan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.