Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in saraakiisha Turkiga ay kulanka wada qaateen ay kawada hadleen sidii dib udhis ballaaran loogu sameyn lahaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay inuu jiro qorshe weyn oo Saraakiisha ciidanka Turkiga ay wadaan kaasi oo ah in beesha caalamka ay ka qeyb qaadato dib udhiska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in ujeedka ciidanka dib loogu dhisayo ay tahay hanashada guud ahaan ammaanka iyo awooda milatari ee dalka Soomaaliya.
Wasaarada Gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayaa wado qorshooyin ku aadan dib udhiska ciidanka xooga dalka Soomaaliya si ay unoqdaan ciidan awooda Soomaaliya ka turjumaya.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments