Ujeedka wafdiga Kenya ee soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Kenya Raychelle Omamo iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa goor dhoweyd soo gaartay Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Ujeedka wafdiga Kenya ee soo gaaray Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omam, iyo wadti ay hoggaamineyso ayaa soo gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdrisaaq.

Raychelle Omam, ayaa diyaaradda uga degtay qeybta UN Gate ee garoonka Aada Cadde, halkasoo ay ka baxaan Diyaaradaha Qaramada Midoobey iyo kuwa Safiirada dalalka shisheeye.

Waxa ay wadahallo la yeelan doontaa, dhigeeda Wasiir Maxamed Cabdrisaaq, kadibna waxa ay la kulmi doontaa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ka hor inta aysan salaan ugu tagin Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo muddadii xil heynta Madaxweynaha ka dhamaatay Lix bil ka hor.

Xogo Keydmedia Online ka heshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ujeedka safarka Raychelle Omamo, uu ku qotomo, hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, si loo soo af-meero mad-madowga soo kala dhex-galay labada dhinac.

Arrimaha la xariira socdaalka iyo xiriirka ganacsi ee labada dal ayaa sidoo kale, looga hadli doonaa kullamada ay saacadaha soo socda Omamo, la yeelaneyso Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed iyo RW Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay caddeynayaan xogaha soo baxaya ma jiro wax waqti ah oo la siin doona, ka hadlidda arrimaha badda.

Dhanka kale Raychelle Omamo, ayaa Rooble, u sidda casuumaad rasmi ah oo uu u soo diray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana la filayaa in Todobaaadkaan Rooble booqasho ku tago Nayroobi.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa xiriirkooda soo celiyay bishii May 2021 kadib lix bilood oo meesha ka maqnaa, waxaana xumeeyay Farmaajo Dec 2020, sababo ololihiisa doorashadda ku saabsan.

Kenya waxay kaloo doonaysaa inay dowladda Soomaaliya u fasaxdo Qaadka Miraa in dalka la keeno, kaasoo mudo ku dhaw labo sano xayiraad saaran tahay, wuxuuna Farmaajo uga sameeyay Mashruux walaalkiisa Xasan Qaadka Itoobiya.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga illaa 4,000 oo askari oo qeyb ka ah AMISOM, kuwaasoo xoogooda difaaca Maamulka Axmed Madoobe, oo lagu ilaaliyo magaaladda Kismaayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.