Ugaaska Cayr: Mas’uuliyadda Amniga waxaa leh Galmudug

Ugaaska beesha Cayr oo ka hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee ku soo kordhay Galmudug, ayaa sheegay in masuuliyadda amniga Maamulka looga danbeeyo Nidaamka MW Qoorqoor.

News Keydmedia Online
Ugaaska Cayr: Mas’uuliyadda Amniga waxaa leh Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – Ugaaska beesha Cayr oo ka mid ah beel-weynta Habargidir, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay waajib tahay in musuuliyadda amniga Mudug iyo Galgaduud looga danbeeyo Dowlad goboledka Galmudug.

Ugaasku, wuxuu sheegay in maamulka lagu dhisay hab is-oggol ah, isla-markaana uu jiro Madaxweyne la isla oggol yahay, loona baahan yahay in isaga lagala shaqeeyo guud ahaan amniga degaannada labada gobol.

Amniga Galmudug, Dowlad ayaa la dhisay, Madaxweyne ayuu maamulku leeyahay, sidaas daraaddeed amniga Dowladda ayaa iska leh, iyada ayaan kala shaqeynayaa, wixii dhib wada oo u jeed kale lehna waa la arki doonaa". Ayuu yiri Ugaas Xasan.

Hadalka Ugaaska, ayaa ku soo aadaya xilli ay Jimcihii la soo dhaafay, magaalada Guriceel, la wareegeen Koox diimeedka Ahlu-sunna, kuwaas oo ciidan qorosho xooggan ka wada qaar ka mid degaannada dhaca Galgaduud.

Kooxdaan oo uu hoggaaminayo, Sheekh Maxamed Shaakir, oo ka mid ah culimada waaweyn ee Suufiyada, ayuu qorshahoodu yahay in ay dib ula wareegaan degaannadii ay hore uga arrimin jireen oo ay ku jirto Xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb, taas oo ah dib u dhac ay la maagan yihiin degaanka, sida ay sheegayaan dadka waxgaradka ah.

Kooxdaan, oo ku dhawad 10 sano kasoo talineysay Saddexda magaalo ee Matabaan, Guriceel iyo Dhuusamareeb, ayaa xiriir xooggan la leh, hoggaanka Maamulka Puntland, dadka shacabka ah ayaana rumeysan in Kooxda (SUFO) ay awoodo siyaasadeed oo kala duwan u adeegsadaan waxyeeleynta amniga iyo horumarka Galmudug.

Ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsan Xooga Dalka iyo booliska loo yaqaan Haramcad ayaa maalmhii lasoo dhaafay la geeyay Dhuusamareeb, waxaana dib boorka looga jafay ciidamada Qaybta 21-ad ee Xoogga, kuwaas oo fadhigoodu yahay degaannada Maamulka.

Madaxweyneaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaan wali ka hadlin, xaaladaha soo kordhay, waxayna xilli kasta, shacabku ka cabsi qabaan in xabadi ka qaraxdo degaannada dhawaan ka baxay gacanta Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.