Uganda oo dhex-dhexaadineysa dowladda Itoobiya iyo TPLF

Madaxweynaha Uganda, Yuweri Musaveni ayaa la sheegay in uu qorsheynayo dhexdhexaadinta Xukuumadda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF oo ku dagaallamaya gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Warar Keydmedia Online
Uganda oo dhex-dhexaadineysa dowladda Itoobiya iyo TPLF

NAIROBI, Kenya - Wargeysaka Chimpreports ee dalka Ugandha oo soo xiganaysa sargaal magaciisa qariyay ayaa sheegay in dhawaan la filayo in dalka Uganda ay soo gaaraan diblomaasiyiin ka socda dowladda Itoobiya iyo ergo matalaysa Jabhadda TPLF kuwaas oo la kulmi doona Madaxweyne Museveni.

Sargaalkan ayaan wax faahfaahin ah ka bixinin in ay labada wafdi si fool ka fool ah u kulmayaan iyo in kale.

Madaxweyne Museveni ayaa la rumaysanyahay in uu xariir wanaagsan la leeyahay Ra’iisul Rasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo hoggaanka Jabhadda Tigreegaba.

Dhinaca kale war goor dhow ka soo baxay xukuumadda Itoobiya ayaa beenisay in uu socda qorshe wada xaajood oo u dhexeeya xukuumadda iyo TPLF oo ay Uganda garwadeen ka tahay.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa horay ugu gacanseyray baaqyo nabadeed oo uga yimid Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.