Uganda oo Diyaarado dagaal u soo direyso Soomaliya

Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo ku joogo magaca AMISOM, kuwaas oo ka kala socdo dalalka Kenya, Ethopia, Burundi, Uganda iyo Djibuti.

Warar Keydmedia Online
Uganda oo Diyaarado dagaal u soo direyso Soomaliya

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Uganda ayaa qorsheyneyso in ay dhawaan Soomaaliya u soo dirto diyaarado nooca dagaalka ah, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo maalinimadii Talaadada ka soo baxay Milateriga dalkaas yaa lagu sheegay in Uganda ay dib eegis u ku sameyneyso howlaheeda ciidan ee Soomaaliya, iyadoona u soo direyso diyaarado dagaal oo howlgalka ka qeyb qaato.

Tirada diyaaradaha ay Uganda u soo direyso Soomaaliya lama sheegin, haseyeeshee Milatriga dalkaas ayaa arintaan rajo wanaagsan ka muujiyay.

Afhayeenka Millateriga Uganda Richard Karemire ayaa sheegay in diyaaradahaas ay taageero weyn siin doonaan Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya si ay u xoojiyaan howlaha nabad ilaalineed ee ka wadaan gudaha dalka.

“Diyaaradda Difaaca Dadka Ugandha (UPDF) waxay taageero u fidin doontaa ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee dagaalka ka wada ayuu yiri” Afhayeenka militariga Richard Karemire.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ku fashilmay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, balse waxaan la ogeyn waxa ay istiraatiijiyadooda dagaal ay ka bedeli doonaan diyaaradaha ay haatan soo direyso Soomaaliya.

Keydmedia Online

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.