Uganda “Ciidaan waa diyaar hadii Maraykanka Dhaqaale laga helo”

Muqdisho (Keydmedia) Iyadoo marba marka ka danbeysa ay sii kordhayaan qasaaraha ay dagaalada kala kulmayaan ciidamada Amisom ayaa hadana Dowlada Uganda waxa ay shaaca ka qaaday in Ciidamo hor leh ay diyaar la tahay.
Warar Keydmedia Online
Uganda “Ciidaan waa diyaar hadii Maraykanka Dhaqaale laga helo”

"Uganda waxa ay sugeysaa taageero dhaqaale oo ka timaada Maraykanka ,si aan 10-kun oo Ciidan ah ugu dirno Soomaaliya" sidaa waxaa sheegay Taliyaha ciidamada Difaaca Dalka Maraykanka General Aronda Nyakairima oo la hadlayay wargeyska Dialy Monitar.

Inkastoo Dowlada Uganda ay sheegtay xiligan in Ciidamo hor leh ay u soo direyso Soomaaliya ayaa hadana dhanka kale waxaa xusid mudan in Maalinimadii shalay aheyd Hoobiyaal kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ay ku soo tuureen xarunta Madaxtooyada ay ku geeriyoodeen in ka badan 4 ka tirsan ciidamada Uganda isla markaana 8 kale ay ku dhaawacmeen.

Inkastoo aanay aheyn Ciidamadan kuwii ugu horeeyay ee ka geeriyooda Amisom ayaa hadana warar qaar wax ay sheegayaan in Askariga AMISOM ka tirsan ee ku dhinta Soomaaliya uu helayo Magdhaw lacageed oo dhan $50-kun, iyadoona aan leys warsan dhibaatada shacabka gaareysa.

www.keydmedia.net