Uhuru Kenyatta oo mar kale ka hadlay go’aankii ICJ

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray ilaalinta dhulka Kenya ay tahay ballan-qaad ay awoowayaasha dadka Kenya ku sheegeen inay tahay waajib qaran.

Warar Keydmedia Online
Uhuru Kenyatta oo mar kale ka hadlay go’aankii ICJ

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa qaab hanjabaad ah u ballan qaaday inuu ilaalinayo midnimada dhuleed ee Kenya, isagoo wacad ku maray in xitaa hal taako oo ka mid ah dhulka ay Kenya sheegato, uusan ka tanaasuli doonin maamulkiisa.

Isagoo ka hadlayay xaflad lagu xusayay Maalinta Halyeeyada, oo lagu qabtay Kirinyaga, Uhuru, wuxuu ka dhawaajiyay in Kenya marar badan, tan iyo markii ay qaadatay madaxbannaanida, ay soo mareen xad-gudubyo dhuleed, hadalkaas ayaana loo fasirtay mid uu ku durayay Soomaaliya.

"Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo”. Ayuu yiri Kenyatta.

Hadalka Uhuru Kenyatta ayaa daba socda go’aan ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ka gaartay muranka xadka badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Kenyatta ayaa hore ugu gooddiyey in arintan ay dhalineyso khilaaf hor leh oo labada dal ah, kaas oo saameyn ku yeelan kara xiriirka u dhaxeeya dalalka dariska ah.

Uhuru, ayaa bayaan uu soo saaray kadib xukunka ICJ, sheegay in Kenya aysan aqoonsanayn go’aanka maxkamadda.

12-kii October, ayaa si rasmi ah muranka looga saaray inta badan biyaha Soomaaliya ee Kenya muranka galisay, kuwaas oo bedka dhulka ay ku fadhiyaan dhanyahay, boqol kun oo kiilo-mitir, oo afar-jibbaaran [100 000 square kilometers].

Bishii April ee 2009, Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku kala saxiixday Nairobi heshiis is-afgarad ah [MoU], waxaana xilligaasi dalka ka jirtay dowlad aan awood lahayn oo KMG ah oo Sheekh Shariif madax u yahay.

Mudo 11 sano ah ayay Soomaaliya u dagaalamaysay inay dib usoo ceshato badeeda, iyadoo 7 sano ku qaadatay ICJ inay go'aan ka gaarto, waxaana tallaabadan ahayd mid dhibaato badan lagala kulmay xukuumadda Nairobi oo jallaafooyin dhowr ah u dhigtay Madaxdii dalka, laga soo billaabo Sheekh Shariif illaa Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.