Ujeedada Wafdiga Maantay Kismaayo ka dagay

Kismaayo (KON) - Wafigii (Wasiirka Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka, warfaafinta iyo isgaarsiinta iyo Cadaaladda) Saakay ka dagay Magaalada Kismaayo ayaa si heer sare looga soo dhaweeyay Magaalda Kismaayo.
Warar Keydmedia Online
Ujeedada Wafdiga Maantay Kismaayo ka dagay

Wafdiga ayaa si heer sare ah looga soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo, Dadka soo dhaweeyay ayaa waxaa kamid ahaa Qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Kismaayo.

Wasiiradaan ayaa sheegeen inay bilaabayaan Mushaar bixintii Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaadka Raaskambooni ee Kismaayo ka howlgala oo mudadaan dambe Mushaar la'aan ahaa.

Sidoo kale Wafdigaan ayaa Daaweyn Dibada ah u qaadi doona Ciidamadii ku dhaawacmeen Jubbooyinka.

Wararka soo gaarya Keydmedia Online ayaa sheegaya in Kulamo ku yeelan doonaan Wafdigaan iyo Maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo Odayaasha Dhaqanka.

Wasiirka arrimaha gudaha oo isaguna la hadlay mas’uuliyiintii ay la kulmeen ayaa uga war bixiyay ujeedada safarkooda iyo sida ay u doonayaan sidii Gobolka Jubada Hoose uu u yeelan lahaa Maamul loo dhan yahay.

Si kasta ha ahaatee dhawaan ayay ahayd markii wafddi ay dirtay xukuumadda Federalka Soomaaliya laga soo celiyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Wixii kusoo Kordha Warkaan kala soco Keydmedia.net

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo