Ujeedka ka dambeeya Dhismaha Madasha Badbaado Qaran

Musharixiinta Mucaaradka ayaa ka faa'ideysanaya khilaafka Axmed Madoobe iyo Deni kala dhaxeeya Farmaajo, taasoo ay mideysan.

Warar Keydmedia Online
Ujeedka ka dambeeya Dhismaha Madasha Badbaado Qaran

MUQDISHO, Soomaaliya - Shalay waxaa Muqdisho looga dhawaaqay Madasha Badbaado Qaran oo kulmisay Musharixiinta, Siyaasiyiinta Somaliland, Madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Waxay iska dhex-doorteen gudi hogaamineed, oo ka kooban Cabdi Xaashi, gudoomiyaha Aqalka Sare, Sheekh Shariif, Deni iyo Axmed Madoobe, waxayna ka shaqeyn doonaan madaxdan isbahaysatay sidii doorasho wadar-ogol ah uga dhici lahayd Soomaaliya.

Cabdi Xaashi oo gudoomiye loogu doortay Gollaha ayaa sheegay in Farmaajo uu caqabad ku yahay doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacdo waqtigii loogu talagalay, sidaaas darteedna uu Gollaha ka shaqeynayo samatabixinta dalka.

Ujeedka aas-aaska Gollaha ayaa ka dambeysa sidii culeys loogu saari lahaa in shirka soo socdo lagu soo daro Musharixiinta oo 15 xubnood, kuwaasoo ay hogaaminayaan madaxdii hore ee dalka, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Gollaha ma ahan mid ujeedo fog laga leeyahay oo sii jiri doono, waayo waxay ugu tala-galeen inay ka dhigtaan jaranjaro siyaasadeed oo ay ku gaarayaan arrimo ay kamid yihiin arrimaha doorashadda oo hadda la dhex-dhexaadinayo.

Farmaajo waxaa ku adag inuu ka tanaasullo Gedo iyo inuu bedelo gudiga doorashadda, waayo waa labo qorsho uu dejiyay Fahad Yaasiin oo loogu diyaarinayo dib u doorashadiisa markii labaad.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.