UK oo digniin ka soo saartay khatarta Al-Shabaab

Saddexda gobol ee galbeedka Somaliland, ee kala ah Awdal (Boorama), Maroodijeex (Hargeysa) iyo Saaxil (Berbera) ayaa laga reebay goobaha wajahaya khatarta amin ee Al-Shabaab.

News Keydmedia Online
UK oo digniin ka soo saartay khatarta Al-Shabaab

LONDON – Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay, digniino amni, oo la xariira in ay jirto khatar xooggan oo muujineysa in Al-Shabaab weerarro xoggan ka geysan karaan Soomaaliya, sida ku cad qoraal ku socda dadka UK ee doonaya in ay usoo socdaalaan dalka ku yaalla geeska Afrika.

Digniinta oo u muuqata mid heerkeedu sarreeyo, ayaa lagu sheegay, in uu jiri karo af-duub, ay Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, (Al-Shabaab) ku qafaalato dad ka soo jeeda dalalka galbeedka iyo kuwa Soomaalida iyo waddamada kale ee u shaqeeya Ururrada reer galbeedka.

"Waxaa magaalada Muqdisho ka jirta cabsi joogta ah oo ku aadan weeraro argagaxiso, waxaana wali sii socda abaabulka weerarada ka dhanka ah reer galbeedka ee ku sugan Soomaaliya inteeda kale oo ay ku jirto Somaliland”. Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda Ingiriiska.

Warka waxaa lagu xusay in weerararda argagixisadu noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, isla-markaana xitaa la beegsan karo, meelaha dadku ku badan yahay, kulamada ay ku lug leeyihiin saraakiisha Dawladda, meelaha ay ajaanibku booqdaan iyo xarumaha siyaasiyiinta .

Hoteellada ayaa qeyb ka ah, meelaha kooxdu bartilmaameedsan karto ee laga digay, halka sidoo kale digniinta lagu muujiyay in ay jirto khatar sare oo dambiyada badda Soomaaliya ah gaar ahaan aagga Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, taasoo ka dhigan in ay wali jirto khatartii burcad badeedda.

Saddexda gobol ee galbeedka Somaliland, ee kala ah Awdal (Boorama), Maroodijeex (Hargeysa) iyo Saaxil (Berbera) ayaa laga reebay goobaha wajahaya khatarta amin ee Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa loo arkaa kooxda ugu khatarta badan Al-Qaacida, waxayna si joogto ah halis ugu yihiin amniga gobolka geeska Afrika. Dhamaadki bishii hore waxa ay sheegteen weerar lagu qaaday Xerada Xalene, oo fariisin u ah safaaradaha reer galbeedka.

14 sano ka hor, manta oo kale, 2008, Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay, Aadn Xaashi Ceyrow, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Al-Shabaab, ahaana xubintii ugu firfircooneyd ee soo if-bixii kooxdaan dagaalka kula jirta Dowladnimada Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.