UNICEF oo cambareysay dil loo geystay maanta shaqaalaheeda

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa bayaan kasoo saartay dil maanta loogu geysay Muqdishi labo kamid ah shaqaalaha gargaarka bani’aadannimo.

Warar Keydmedia Online
UNICEF oo cambareysay dil loo geystay maanta shaqaalaheeda

UNICEF ayaa cambareysay dilka loogu geystay shaqaalaheeda ee ka dhacay degmada Kacda ee Gobolka Banaadir. 

“Weerarrada lagu qaado shaqaalaha caafimaadka waxay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga waana in aan loo dulqaadan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay'adda. 

Shaqaalahan oo ka shaqeynayay ololaha talaalka dabeysha, ayaa lagu dilay Qarax ka dhacay dagmada Kaxda, waxaana qaraxa ku dhintay 

Dilka ayaa loo gaystay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay degmada Kaxda, iyo qof kale oo la socday, kuwaas oo olole tallaal ka waday degaanka markii la toogtay.

Koox hubeysan oo illaa saddex qof ka kooban, islamarkaana loo maleynayo inay Al-Shabaab katirsan tahay ayaa weerar ku qaadey gudoomiye waaxeed katirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir saacadihii hore ee Maanta oo Talaado ah.

Sarkaal katirsan Booliska Soomaaliya, oo Capt Maxamed Xuseen lagu magacaabo ayaa u sheegay Keydmedia Online in weerarka lagu dilay gudoomiyaha waaxda shanaad ee degmada Kaxda Ibraahim Calow iyo gabar kale.

Waxaa la beegsaday xili degaanada ku teedsan duleedka galbeed ee Muqdisho ay kawadeen olole talaalka Dabeysha, iyadoo weerarka la sheegay inuu ka dhacay inta u dhaxaysa Ceelasha Biyaha iyo Kaxda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu dhacay qarax kadib dilka Mas'uulka, waxaana Sarkaal booliska sheegay in gaari ku xirnaa walxaha qarxa oo goobta looga tagay uu qarxay kaasoo ay wateen dableyda hubeysan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.