Ururka Qareennada oo ka horyimid go’aankii wasiir Bayle

Qareennada ayaa ka digey isku dhex-darka maxkamadaha iyo xeerka ajuurada.

Warar Keydmedia Online
Ururka Qareennada oo ka horyimid go’aankii wasiir Bayle

Ururka qareennada Soomaaliyeed ayaa kulan degdeg ah oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxay si aad ah uga doodeen go'aan dhowaan kasoo baxay wasiir Bayle.

Go'ankan oo soo baxay 20-kii bishan ayaa ahaa ahaa xeerka ajuurada maxkamadaha.

C/qaadir Maxamed Muuse oo ka mid ah guddiga qareennada ayaa kulankooda kadib u sheegay warbaahinta, in aanay sharci u lahayn wasaaradda maaliyadda soo saarista xeerkan.

Wuxuu sheegay in arrimahan loo baahan yahay oo kaliya iney ka fadhiistaan ururka qareennada iyo maxkamadaha.

Ugu dambeyn, ururka qareennada ayaa meesha ka saaray in maxkamadaha lagu soo dhex-daro xeerka ajuurada.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.