UK oo qorsheyneysa inay jarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya
Kooxdaan Aqoonyahanadaa oo uu hogaaminayo Madaxa Ururka SOMA (Somali Overseas Medical Association) Mohamed Ciise Raage ayaa soo gaari doona Caasimada Somaliya ee Muqdisho si ay halkaasi ugu kuura galaan Cudurada ugu badan ee Dadka Somalida ay qadaan iyo Qalabyada Hospitalada lagu Isticmaalo, si ay u ogadaan Xaalada Dhabta ah ee ka jirta Wadanka Somaliya , islamarkaana ay wax uga qabtaan.
Haddaba waxaa Wafdigani kulamo la qaadan donaa Madaxda Dowlada iyo Maamulka gobolka Banaadir si ay ugu wada hadlaan sidii Dhaqaatiir ka socota Dalkan China ay u imaanlahayeen Muqdisho si ay halkaasi uga fuliyaan adeegyo Cafimaad oo ay u qabanayaan Bulshada Somaliyeen bilawga Sanadka Cusub.
Ururkan laga Aas’aasay Dalka Shiinaha ayaa ah ururkii ugu Horeeyey oo ka shaqeeya Arimaha Cafimaadka , Waxaana uu ku howlan yahay sidii Hospital wayn oo lagu Dawayn doono Maqaarka Jirka (plastic surgery) iyo is Qurxinta jirta kaasi looga furi lahaa Caasimada Somaliya ee Muqdisho.
C/kadir Saciid Cali Gaani
Keydmedia Online - Xafiska Muqdisho
Add comment
Comments