Villa Somalia iyo Mucaaradka oo ku hardamaya doorashada Hirshabelle

Villa Somalia ayaa aad u farogelisay dowlad goboleedyada, tan iyo inta uu xilka hayay Madaxweyne Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Villa Somalia iyo Mucaaradka oo ku hardamaya doorashada Hirshabelle

JOWHAR, Soomaaliya - Magaalada Jowhar ee goblka Shabellaha Dhexe waxaa ka soconaya diyaarinta doorashada guud ee dowad goboleedka Hirshabelle, iyadoo la dhisay baarlamaanka Labaad ee maamulkaasi.

Doorashadan ayaa waxaa isku haya Villa Somalia iyo sidoo kale mucaaradka DFS, waana maamulkii ugu dambeeyey oo la isku qabto.

Inkastoo dowlad goboleedyada hadda jira Labo ka mid ay ku guuleysatay Nabad iyo Nolol, sida Galmudug iyo K/galbeed, ayaa hadana mucaaradka waxa uu iska diiddan yahay in Hirshabelle uu hoggaan u noqdo Shaqsi Nabad iyo Nolol ah.

Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar, ulajeedka socdaalkiisa ayaa ah, sidii mucaaradku u hanan lahaayeen hoggaanka maamukan loo dhisayo.

DFS, gaar ahaan Farmaajo ayaa rajo weyn qabi kara haddii uu Saddex dowlad goboleed ay si toos ah uga ammarqaataan, sababtoo ah, waxa uu saameyn ku yeelan karaa xildhibaanada lasoo dooranayo.

Mucaaradka oo taas ka duulaya ayaa dhankooda dedaal weyn ugu jira sidii ay meesha uga saari lahaayeen hammiga Villa Somalia.

Walow waxa ka socda Jowhar ay u muuq egyihiin wixii horey uga dhacay Baydbo iyo Dhuusamareeb, hadana mucaaradku qudhooda waa kuwo baraarugsan.

Taliyaha NISA oo ah Fahad Yaasiin ayaa aad ugu dedaalayey sidii Hirshabelle uu Madaxweyne uga noqon lahaa shaqsi ay iyaga wataan.

Beesha Xawaadle oo saami ku leh Hirshabelle ayaa aad u saluugsan nidaamka hadda wax oo wado.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.