Villa Somalia oo ku adkeysatay Muddo kordhinta Farmaajo

Farmaajo ayaa kala kulmay muddo-kordhinta mucaarado weyn iyo cambaareyn Caalami ah.

Warar Keydmedia Online
Villa Somalia oo ku adkeysatay Muddo kordhinta Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Xukuumadda xil-gaarsiinta inay taageertay, islamarkaana ay garab taagan tahay go'aankii Gollaha Shacabka ee muddo-kordhinta loogu sameeyay Farmaajo 12-kii April, 2021.

Waxaa lagu sheegay War-saxaafadeedka in dowladda ay aad uga xumaatay hadallada xanafta leh ee kasoo yeeray qaar kamid ah Saaxiibadda Beesha Caalamka ee lagu xumeeyay muuqaalka go'aanka Gollaha Shacabka ee la xiriira in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah 2023.

Xukuumadda waxay xustay in hadallada Beesha Caalamka ay yihiin kuwa wax u dhimaya madax-banaanida siyaasadeed ee Soomaaliya sidoo kalena waxay dhiira-gelinayaan Kooxaha argagaxsiadda nabad-diidka.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in qaraarka Gollaha Shacabka uu yimid kadib markii uu fashilmay heshiiskii doorashadda Sep 17, kaasoo Villa Somalia ay ku eedeysay inay is-hortaag ku sameeyeen Jubbaland iyo Puntland oo shuruuddo adag iyo dalab aan dhamaad lahayn ku xiray wadahadallada.

HirShabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir ayaa taageeray muddo-kordhinta Farmaajo, sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahinta dowladda maalin kahor.

Si kastaba, Farmaajo ayaa xaaladda ku xumaatay kadib Muddo-kordhinta loo sameyay taasoo ay kasoo horjeesteen dowladaha Beesha caalamka, iyadoo Mareykanka ku hanjabay cunaqabateyn inuu saari doono.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].