Villa Somalia oo 3 sano gudahood yeelaneysa Agaasimihii 6-aad

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa muddo saddex sano iyo bar ah gudahooda yeelaneyso agaasimihii lixaad, tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo 8, Feburary, 2017.

Warar Keydmedia Online
Villa Somalia oo 3 sano gudahood yeelaneysa Agaasimihii 6-aad

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa muddo saddex sano iyo bar ah gudahooda yeelaneyso agaasimihii lixaad, tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo 8, Feburary, 2017.

Isbed bedelka ka dhacay halka dalka looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya ayaa banaanka keeneya jahwareerka iyo deganaasho la'aanta siyaasadeed ee ka dhex jirto gudaha madaxtooyada, waxaana arintaan loo sababeynayaa siyaasadda aan ka fiirsashada laheym ee madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhamaan xilalkii ka qaaday shanta Agaasime ee soo maray madaxtooyada marka laga reebo Dr Nuur Diiriye Fursade oo dhawaan xilkiisa iska casilay kadib markii uu texgelin ka heli waayay maamulka madaxtooyada sida ay horey u baahisay Keydmedia Online.


Shanta Agaasime ee Madaxtooyadda Soomaaliya soo maray Februay 2017 ilaa August 2020 ayaa kala ahaa:

1-Dr Cali Saciid Fiqi si ku meel gaar ah ugu magacaabay Agaasimaha madaxtooyada isagoo xilkaas hayay billihii Febraayo illaa Abril 2017.

2- Abuukar Cabdi Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada loo magacaabay 22- bisha March 2017.

3- Fahad Yaasiin Xaaji Dahir waxaa xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada loo magacaabay 31 May 2017.

4- Drs Aamina Saciid Cali 22 August 2018 ayaa loo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada

5- Dr Nuur Diiriye Fursade waxaa loo Magacaabay 15-kii May 2019, waxaana uu shaqada ka tagay horaantii bishaan.

Macluumaadka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in arintaan ay saameyn ku yeelatay howlwadeenada kale ee madaxtooyada, maadaama isbadalka joogtada ah uu gaarayay Agaasimeyeyaasha qeybaha ee madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda la sugayaa in uu magacaabo Agaasimihii lixaad ee madaxtooyada, kaasoo bedelaya Dr Nuur Diiriye Fursade oo dhawaan xilkaan si lama filaan ah isaga casilay, kadibna dalka ka dhoofay.

KEYDMEDIA ONLINE.

    Commenting is not available in this channel entry.