Villa Somalia oo shaacisay in Farmaajo u safri doono Dhuusamareeb

Tweet uu agaasimaha Warfaafinta ee Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed soo dhigay bartiisa Twitter ayaa muran dhaliyay Caawa.

Warar Keydmedia Online
Villa Somalia oo shaacisay in Farmaajo u safri doono Dhuusamareeb

Agaasimaha Warfaafinta ee Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed, ayaa xalay saqdii dambe bartiisa Twitter ku soo qoray in Madaxweynaha DF Maxamed Farmaajo uu ka qeybgali doono Shirka Dhuusamareeb. 
 

In line with the state-building endeavours and in the spirit of enhancing the FGS-FMS cooperation on the way forward, H.E President @M_Farmaajo will be travelling to #Dhuusamareeb tomorrow to participate in the 2nd round of FGS-FMS Consultative Forum.

Cabdinuur ayaa barta Twitter ee Villa Soomaaliya iyo bartiisa gaarka u ah soo dhigay tweet-kan, wuxuuna sheegay in Farmaajo uu berri u safraayo Dhuusamareeb. 

Cabdinuur ayaa tweetka qoray Saacadu markey Soonaaliya u tahay 3 AM (Sadexdii subaxnimo), waxaana cadeyn in uu berrito Axad dhici doono shirka maadame waqtigu uu tweetka qoray ay tahay Sabti 15.08.2020. 

Wixii Faah-Faahin ah kala soco Keydmedia Online

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.