Villa Somalia oo si deg deg ah ugu yeertay Wasiir Cawad

Wasiir Cawad oo maalmahaan ku sugnaa Nairobi ayaa la sheegayaa in uu haatan Muqdisho ku soo laabtay. 

Warar Keydmedia Online
Villa Somalia oo si deg deg ah ugu yeertay Wasiir Cawad

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay in uu dalka gudihiisa ugu soo laabto sii haya Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo fadeexad weyn kala kulmay magacaabis sharci-darra ah uu sameeyay.

Wasiirka oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa isla shalay galab soo gaaray magaalada Muqdisho, sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaa karo.

Cawad ayaa la daala dhacayo dhaleeceyn iyo fashil kaga yimid magacaabista 27 diblumaasi uu magacaabay kadib riditaankii Ra'iisul wasaare Kheyre, kuwaas oo aan la waafajin sharciga iyo nidaamka shaqaaleysiinta dowladda Soomaaliya.

Magacaabista uu sameeyay Wasiir Cawad ayaa waxaa ka soo dhex muuqday 21 diblumaasi oo ay ku jiraan xubno ay xigto yihiin wasiirka, kuwaasoo aan ka tirsaneyn xafiiska Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya.

Digreetada lagu magacaabay xubnahan ayaa laga dhigay 23-ka bishii hore ee July halka xukuumada kalsoonida lagala noqday isla bishii hore 25-keeda, waxaan muuqato in wasiir Cawad uu fashil dhexda ka fariistay, islamarkaana si sharci-darro ah uga faaii'deeystay bixitaankii Kheyre.

Falkaan ayaa fajac ku noqotay madaxweyaha ka dib markii lala wadaagay cadeymaha documents ka uu ku saxiixan yahay Wasiirka.

Arintaan ayaa imaaneyso xilli uu dalka galay marxalad kala guur ah iyo jahwareer siyaasadeed oo ku aadan dhinaca doorashada, waxaana socda boob hanti iyo magacaabista sharci-darro ah ay sameynayaan qaar ka tirsan siyaasiyiinta xilalka sare ka haya dowladda FS.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.