Villa Soomaaliya oo kala direysa mas’uuliyiintii lasoo shaqeysay Kheyre

Arintaan ayaa la sheegay in Madaxtooyada uga gol-leedahay in Ra'iisul Wasaaraha cusub uusan yeelan xafiis uu si toos ah bulshada ugala kala xiriiro. 

Warar Keydmedia Online
Villa Soomaaliya oo kala direysa mas’uuliyiintii lasoo shaqeysay Kheyre

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waddo olole ay xididada ugu siibeyso mas'uuliyiintii ka shaqeynayay xafiiska Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo todobaadkii la soo dhaafay xukuumaddiisa Baarlamaanka kalsoonida kala noqday.

Olole cusub ayaa billowday kadib xilka qaadistii Kheyre, kaasoo la sheegay in lagu kala dirayo shaqaalihii xafiiska Kheyre, iyadoo tallaabadan looga gol-lleeyahay mideynta xafiisyada Warfaafinta iyo arrimaha bulshada ee Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha oo haatan kala duwan.

Madaxtooyada ayaa aad ugu mashquulsan sidii ay meesha uga saari laheyd shaqsiyaadkii saaxiibka ama xiriirka dhaw la lahaa Xasan Cali Kheyre.

Waxaa shalay is-casiley Cali Nuur Salaad oo ahaa Agaasimihii Warfaafinta iyo xiriirka bulshada xafiiska Ra'iisul wasaaraha, Islaamarkaana kamid ahaa shaqsiyaadkii ugu cad cadaa xafiiska intii uu joogay.

Cali oo la aaminsan yahay inuu kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu dhawaa Xasan Cali Kheyre ayaa sababt is casilaaddiisa ku sheegay in khilaaf jira uu shaqadauga tagay.

Dhinaca kale, Ku-xigeenkii hore ee agaasimaha Madaxtooyada C/risaaq Caato ayaa si KMG loogu magacaabay Xoghayaha Joogtada Xafiisa Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo xilka laga qaaday xoghayihii hore oo si weyn ugu dhawaa Kheyre.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in lataliyaashii Kheyre ay iyaguna xafiiska isaga tagi rabaan, kadib cadaadis la saaray. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.