Dagaal-ooge Wasiir noqday

Waa kuma Cabdi Janan?

Waa kuma shakhsiga loogu yeero Cabdi Janan? Taariikhdiisa oo kooban ayaan qormadan idinkula wadaagi doonaa, Keymedia Online waxay baaritaan ku sameysay Cabdi Janan kumuu yahay?

Warar Keydmedia Online
Waa kuma Cabdi Janan?

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Balad-xaawo waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, waxaana hoggaaminayay wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere waxa uuna kula kulmay Wasiirkii hore ee amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya kaddib wada-hadallo dhex maray isaga iyo Farmaajo.

Magaciisa oo dhammeystiran waxaa la yiraahdaa Cabdirashiid Xasan Nuur, waxaana lagu neynaasaa Cabdi Janan, reer ahaan waxay is xigaan Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, waxa uu kamid ahaa shakhsiyaadka lagu tilmaamo in ay aad ugu dhaw yihiin madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Isagoo ah Wasiirkii Amniga ee Jubbaland ayuu diyaarad kasoo raacay Kismaayo, waxa ay transit ku ahayd magaalada Muqdisho, isagoo usocday dalka Kenya, Cabdirashiid Janan waa la qabtay waana la xiray, isagoo loo haysto dambiyo dagaal. Taliya ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed General Zakiya ayaa la wadaagtay bulshada in la xiray Cabdi Janan oo ah shakhsi loo haysto dambiyo dagaal 31/Aug/2019 ayaana xabsiga la dhigay!

6dii December 2019 ayaa maxkamad asoo taagay Cabdi Janan iyo taliye lagu magacaabi jiray Buulle Aadan Axmed oo ahaa taliyihii ka howl gali jiray Doolow, labadoodaba waxaa loo haystay eedeymo ku aadan tacaddiyo ay ka geysteen gobolka Gedo

Afar bil iyo 28 cisho kaddib oo ku beegan 28/Jan/2020 ayuu xabsiga ka baxsaday, waxaana farriintii ugu horreysay barteeda Twitter ka soo dhigtay taliye Zakiya oo sheegtay eedeysane Cabdirashiid Xasan Nuur oo Janan loogu yeero inuu ka baxsaday halkii uu ku xirnaa, inkastoo aan la shaacin halka ay ahayd, dadka qaarna waxay sheegeen in la sii daayay Cabdi Janan doona laga saaray xeebta Muqdisho, isagoo ugu dambeyn gaaray Kismaayo.

Waa kuma Cabdi Janan?

  • Waa Dagaal-ooge in kabadan 50 ruux ay madaxiisa u dhinteen, kaddib dagaal aad u qaraar oo dhex maray ciidamo uu watay iyo kuwa xamar diyaarad laga saaray ay isku fara-saareen magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo!
  • Waa shakhsigii saq-dhexe hoobiyaha ku garaacay magaalada Balad-xaawo oo ku laayay caruur iyo waayeel, qoys ka kooban aabo iyo shan caruura uu dhalay ayaa habeenkaas gurigooda madafac loogu diray, shan caruura oo wada dhalatay ayaa madaxa laga gooyay goob qura.
  • Waa shakhsigii ciqaabi jiray reer gedo ee inta baabuur ku daba xiro dadka amar ku bixin jiray in lagu jiido dariiqyada qofkii uu u arko inuu amarkiisa ka hor imaanayo.
  • Waa shakhsigii inta dadka madaxa bac uga xiro ku kharqin jiray biyaha ilaa ay naftu ka baxdo, waana shakhsi dambiyo qaran ka galan umadda ku dhaqan gobolka Gedo gaar ahaan magaalooyinka doolow iyo iyo Balad-xaawo!

Ciidan uu hoggaaminayo ayuu magaalada Balad-xaawo lasoo galay, dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in maleeshiyaad ay Kenya soo hubeysay Cabdi Janana loo soo dhiibay in ay gudaha usoo galeen Soomaaliya, dagaalna ay ka billaabeen, 100 askari oo kamida kuwa uu hoggaamiyo Cabdi Janan ayaa dagaalka looga qabtay, ciidamadii dowladda ee gacanta ku dhigayna inta ay xabadka dhulka udhigeen ayey ku jir dileen meel fagaaro ah!

Hay'adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xad-gudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha kuwaasoo uu ka geystay gobolka Gedo intii uu ka talinayay. Waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay shakhsi aan naxariis lahayn!

Hay'adda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixinno ay soo saareen sanadihii 2016 iyo 2017 ku eedeeysay in Cabdirashiid Janan Xadgudubyo halis ku ah xuquuqda aadanaha uu geystay! waxaana sidoo kale warbixintaas lagu sheegay in afar qofood oo si bareer ah u toogtay, meydkoodan uu bannaan cidlo ah ugu tuuray, afartaasi qofna saddex kamida waxay ahaayeen rag halka qofka kalena ay dumar ahayd!

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo dhallinyaro badan kula hadlayay barta Clubhouse -ka ayaa Cabdi Janan ku tilmaamay inuu yahay nin dambiyo loo haysto oo xabsi ka baxsaday, waxa uu yiri "Kenya ayuu tagay, Kenya oo doonaysa in ay Baddeena xalaaleysato ciidamo ayey usameysay, xuduudda ayey kasoo tallaabisay, dagall bay kusoo qaadeen, caruurtii iyo maatidii ayey laayeen..." waxa uu ku tilmaamay Cabdirashiid Janan inuu yahay nin dambiyo qaran galay oo loo haysto dad uu laayay.

Cabdirashiid Xasan Nuur (Cabdi Janan) ayaa maanta isku soo dhiibay isagoo wada-hadal la galay dowladda Soomaaliya, waxaana loo ballan qaaday in la siin doono lacag 2 Milyan ah, waxaana heshiiska qeyb ka ah xildhibaano ukala dab-qaaday isaga iyo Farmaajo, magaalada Balad-xaawo waxaa safar qorsheysan ku tagay Taliyaha awoodda badan ee NISA Fahad Yaasiin, waxaana lagu wadaa in magaalada Muqdisho la keeno, si loogu wareejiyo lacagta, kaddibna dalka dibaddiisa loo diro halkaasoo uu ku noolaan doono.

Cabdirashiid Janan ayaa iibsaday doorkii uu siyaasadda ee damaca fog kalahaa, waxa uu wareejiyay hub iyo ciidan tiro badan isagoo u sheegay dowladda in dalka Turkiga uu dooran lahaa si uu ugu noolaado, dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa horay 20 Milyan usoo jeedisay inuu qaato madaxweynaha mayalka adag ee Axmed Madoobe si uu uga haro siyaasadda xilliga iyo Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.