Waa kuma Cawad? - Xil-boob, Musuq-Maasuq & Qabyaalad

Axmed Ciise Cawad oo xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Yuusuf Garaad Cumar, ayaa taariikhda baalka u galaya Wasiirkii ugu tayada xumaa ee soo mara taariikhda Wasaaradda.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma Cawad? - Xil-boob, Musuq-Maasuq & Qabyaalad

MUQDISHO, Soomaaliya - Cawad oo dhalasho ahaan kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa waxa uu kamid ahaa saaxiibada ku dhaw-dhaw Madaxweyne Farmaajo, raacii hore ee magacaabidda xukuumaddii Xasan Cali Khayre markii uu ka haray, waxaa loo qorsheeyay in uu raaca labaad ka noqdo xubin firfircoon.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu soo eedeeyay fal Musuq-Maasuq ah intuu xilka haayay, waxayna noqotay wasaaraddii ugu horreysay ee xatooyo xoolo dadweyne lagu soo eedeeyay.

Cawad waa nin ku caan baxay Musuq-Maasuq, Qabyaalad iyo eex aan geed loogu gaban, sidoo kale wuxuu ka caada dhigtay laaluushka & tahriibinta dadka si uu u sameeyo Lacag badan mudada uu xilka hayay.

Axmed Ciise waa Wasiirkii u horreeyay ee u magacowdo Shaqsi u qaabilsan arrimaha tahriibka & iibinta fiisooyinka dadka usocda dalalka Yurub, Turkiga, Maraykanka, iyo dadka loo magacaabo Safaaradaha dibadda oo la sheegay in laga qaato lacago aad u farabadan, kaasoo ah Wiil uu Adeer u yahay oo magiciisa lugu sheegay (Suhayr). 

Suhayr wuxuu caan ka yahay khaatirna ka taagan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo maalin walba uu geeyo ugu yaraan 20 Baasaboor oo shacab ah oo dadkoodi laga soo qaatay lacago u dhaxeya 4000-6000 dollar midkiiba, Wasiirka Cawad Ayaana ka codsatay Safaaradda inay kala shaqeeyaan wiilkaas wixii khuseeya Arrimaha fiisooyinka. 

Sidee Keydmedia Online hore usoo qortay, Ra'isul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa arkay eexda iyo Musuq-Maasuqa Cawad, wuxuuna dhowr jeer isku dayay in uu xilka ka qaado, laakiin Madaxweyne Farmaajo ayaa hortaagay oo ka diiday in xilka laga qaado. 

Cawad wuxuu intii uu Xafiiska joogay magacaabay in ka badan 80 diblomaasi oo intooda badan ay yihiin qaraabadiisa iyo qaar laga qaatay lacago badan oo u dhaxaysa $5,000 ilaa $15,000 Dollar dhamaantoodna bannaanka Wasaaradda iyo suuqa laga wada qoray waligoodna aan Dowlad u shaqayn.

Xil-boobka & Magacaabista uu Sameeyay Cawad

Billowgii bishii August, Cawad oo markaas ahaa sii-haya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka faa'iideysanaya marxaladda kala guurka ah ee dalka ayaa xilal ka safay rag ay isku jufo iyo asxaab yihiin, kuwaas oo gaaraya dhowr iyo toban.

Arrintan ayaa fashil weyn oo waji gabax ku noqotay Xukuumadda Farmaajo, maadaama ficilkani yahay boob iyo fowdo uu geystay nin aad ugu dhow Farmaajo iyo Fahad Yasin. Dhacdadan foosha xun ayaa ku soo aadday xili ay xukuumaddu ku jirto xil-sii-heyn, oo aysan awood u laheyn in si nidaam ah dan-jireyaal loo magacaabo.

Waxaa kale oo xusid mudan in warqadaha magacaabista ay dhamaantood ahaayeen kuwo taariikhda dib loo dhigay, balse lagu soo beegay kadib xil-ka-qaadistii RW hore, Xasan Kheyre, sida Keydmedia Online ay soo qortay.

Warqadaha dekreetooyinka magacaabista oo ay aragtay Keydmedia Online ayaa gaaraya 25 xabo, oo ay ku jiraan dad aan shaqaale ka aheyn Wasaaradda Arrimaha Dibada, ama aan u tababarneyn hawlaha diblomaasiyada. Fadeexadan ayaa noqoneysa mid aad u baalmarsan xeerka shaqada iyo shaqaalaha loo maro markii dad loo qaadanayo Wasaaradda Arrimaha Dibada. 

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Wasaaradda Arrimaha Dibada ayaa sheegaya in Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenadiisa ay mar hore kala tageen, maadaama ay ku kala aragti duwan yihiin hanaanka iyo socodsiinta hawlaha wasaaradda. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2020 6:01

Xaraashka Shidaalka Soomaaliya ee ka socda Turkiga ayaa imaanaya, iyadoo oo anay wali dhamaystirnayn hay'adihii uu sharcigu farayay inay ka shaqeeyaan arrimaha la xiriira khayraadka dalka.