Waa kuma ninka Farmaajo u aruurinaya qaaraanka?

Barnaamij uu marti ku ahaa Sii-hayaha Wasiirka Maaliyaadda Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, 24-kii bishaan, ayaa lagu sheegay in DF, ay soo wajahday dhaqaalo la’aan loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed dhaqaalo u aruuriyaan Dowladda.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma ninka Farmaajo u aruurinaya qaaraanka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Akoon ayaa la furay si loogu dhaco lacagta qurba joogta Soomaaliyeed, waxaana arrintaas hor boodaya, nin Jooga dalka Canada oo tan iyo markii Farmaajo la doortay baraha bulshada la taagnaa caay iyo Jaa’ifo uu u jeedinayay Qabiillo iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Ninkaan oo loo yaqaan Sheekh Cabdi Xirsi, wuxuu ku noolyahay dalka Canada in muddo ah, kadib markii uu ka soo baxsaday waddanka Mareykanka oo uu ka geystay fal danbiyeedyo galmo la xariira.

Baaritaan lagu sameeyay diiwaanka kiiskiisa iyada oo loo marayo Laanta Garsoorka ee Minnesota, waxaa la xaqiiyiyay in lix dacwadood lagu soo oogay 2006, oo ay ku jiraan laba dacwadood oo ah fal galmo.

Labo haween ah, ayuu faraxumeeyay, isaga oo ah dhaqtar ka howl gala Isbitaal ku yaalla, Woodbury,  isla xilligaas Cabdi Xirsi, wuxuu waayey shaqadii Isbitaalka, muddo aan badnayn ka dibna wuxuu ka tallaabay xadka Canada.

Hayeeshee, booliiska Woodbury, ayaa dacwado anshax xumo galmo ah ku soo oogay Cabdi Xirsi, isagoo maqane ah waxayna soo saareen waaran qabasho, isla waqtigaas, Xirsi wuxuu iska dhiibay waddanka Canada wuxuuna ka codsaday aqoonsi qaxootinimo.

Si uu u helo aqoonsiga qaxootiga Canada, Xirsi, wuxuu wuxuu sheegtay inuu yahay dhibane lagu dhibaateeyay Soomaaliya, wuxuuna ku andacooday inuu ka soo jeedo beelaha laga tirada badan yahay,wuxuu ku qoray codsigiisa inuu ka soo cararay Soomaaliya, kadib markii xaaskiisa iyo wiilkiisa lagu dilay weerar jabhadeed oo ka dhacay gurigiisa oo ku yaallay Muqdisho 1991.

"Waan hubaa in lay dilayo hadii laygu qasbo inaan ku laabto Soomaaliya," ayuu yiri, taasoo sababtay in ugu danbeyn Guddiga Qaxootiga ee ay go’aansadeen in la siiyo Xirsi magangalyada qaxootinimada sanadkii 2008.

Tan iyo markii la doortay Farmaajo, Cabdi Xirsi, wuxuu ka mid ahaa dadka sida indha la’aanta ah u difaaca Madaxweynaha Waqtigu ka dhamaday, wuxuuna si joogto ah ugu gafaa qabiillo iyo shaqsiyaad gooni ah, wuxuuna qeyb ka yahay koox abaabulan oo ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya.

Layaab ayay ku noqotay Soomaalida oo dhan in nin caynkaan ah ay Dowladda waqtigeedu dhamaaday u adeegsato arrin ceyn-kaan oo kale ah, waxaana la is weydiinayaa, qof bulshada sumcad ku dhex leh miyay waayee Kooxda Farmaajo?.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.