AMISOM oo laga diiday Laaluush iyo Anshax Xumo

Dhaman-xumadiisa hore iyo sida uu u hareer maray waajibaadkii loo soo igmaday ee madaxa arrimaha siyaasadda AMISOM.

Warar Keydmedia Online
AMISOM oo laga diiday Laaluush iyo Anshax Xumo

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta Soomaaliya ayaa ka biyo diiday madaxa arrimaha siyaasadda AMISOM, Babatunde Taiwo inay qeyb ka noqdo guddiga Midowga Afrika ee dhex-dhexaadinta khilaafka doorashadda.

Qoraal Musharixiinta soo saareen ayay ku sheegeen in aysan aqbali doonin inuu Babatunde Taiwo noqdo la-taliyaha Ergeyga Midowga Afrika usoo direyso Muqdisho, waxana dalbadeen in laga noqdo magacaabistiisa.

Waxay ku wargeliyeen Midowga Afrika in Babatunde Taiwo oo kasoo jeeda Nigeria uu si cad ugu xad-gudbay waajibaadkiisa, islamarkaana ku lug yeeshay dhibaatada siyaasadeed ee hadda ka taagan Soomaaliya, isagoo dhinaca Farmaajo la saftay.

Waxay Musharixiinta sheegeen in Babatunde Taiwo uu ku caanbaxay dhaqan xumo, ku xad-gudub doorkiisa madaxa siyaasadda AMISOM iyo inuu yahay shaqsi daneyste ah oo aan dhexdhexaad ka noqon karin arrimaha taagan.

Musharixiinta ayaa u caddeeyay Midowga Afrika inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan ergeyga lasoo magacaabey John Dramani Mahama, Madaxweynihii hore ee Ghana, laakiin hadii kooxdii lagu soo daro Babatunde Taiwo ay kalsoonida kala noqon doonaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Midowga Afrika ka laabtay magacaabista Babatunde Taiwo si looga jawaabayo cabashada Musharixiinta, inkastoo aysan soo saarin qoraal rasmi ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.