Waa kuma taliyaha cusub ee AMISOM ?

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Soomaaliya jooga in ka badan toban sano.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma taliyaha cusub ee AMISOM ?

Muqdisho, Soomaaliya - Jeneral Diomede Ndegeya oo u dhashay dalka Burundi ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, kaasoo isla shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Masuuliyiin ka tirsan taliska AMISOM ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay taliyaha, waxaana loo galbiyay xarunta taliska AMISOM ugu weyne Soomaaliya ee Xalane.

Xilka taliyaha AMISOM oo ah mid wareegto ah oo marwalba a loo dhiibo mid ka mid ag dowladaha ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa sanadkii ugu dambeeyay waxaa hayay General Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya.

Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ayaa horey la taliye sare uga ahaa Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Burundi, waxaana la sheegaya arrimaha Soomaaliya uu aad uga warqabo.

Ciidamada AMISOM oo ah ciidamo nabad ilaalin u joogo Soomaaliya ayaa ka kala socdo dowlaha Itoobiya, Kenya, Jabuuti Ugaanda iyo Burundi, waxaana xusid mudan in ay in ka badan toban sano ku fashilmeen agaalka ka dhanka ah A-lshabaab.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.