Waa maxay Ulajeedka safarka RW Rooble ee Garoowe?

Dadka qaar ayaa aaminsan in safarka Rooble yahay dalxiis.

Warar Keydmedia Online
Waa maxay Ulajeedka safarka RW Rooble ee Garoowe?

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta tagi doona magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, waxaana jira xogo horudhac ah oo laga helayo ulajeedka safarkiisa.

Rooble ayaa la kulmi doona madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni, isaga oo kala hadli doona arrimo u badan doorashooyinka.

Waxa uu Rooble doonayaa inuu ka dhaadhiciyo Deni in la qabto doorashada Aqalka sare sid ugu dhaqsiyaha badan, sidoo kalena uu ka tanaasulo arrimaha ku aaddan guddiga doorashada heer federaal ee muranka ka jiro iyo arrimo kale.

Sidoo kale, Dani ayaa isna doonaya in uu kala hadlo Rooble in Gobolka Gedo sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu celiyo Axmed Madoobe, sidoo kalena la wada fuliyo dhammaan qodobadii lagu heshiiyey shirkii DFS iyo dowlad goboleedyada ee ka dhacay Muqdisho.

Dhanka kale, waxyaabaha Dani uu hordhigo dooni Rooble waxa ka mid ah arrinta gobollada Waqooyi ee Somaliland oo DFS loo arko iney afduubatay.

Hadaba Rooble oo aan go'aanka saxda ah qaadan karin ayaa la ogaan doonaa waxa safarkiisaan uu ka bedalo arrimaha doorashada dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.