Waa maxay warbixinta ay soo saartay AU ee DF ka biya diidday?

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay warbixin la sheegay in ay kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taas oo lagu lafa guray arrimo badan oo la xariira xaaladaha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Waa maxay warbixinta ay soo saartay AU ee DF ka biya diidday?

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa gaashaanka u duruurtay war bixin kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taas oo saluug xoogan looga muujiyay xaalada Soomaaliya gaar ahaan dhinacyadda Siyasadda iyo amniga.

Warbixinta Dowladdu ka biya diidday, oo ku dhawaad 40 bog ka kooban, ayaa looga hadalay dhor arrimood, sida; Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaalia (AMISOM), Amniga guud ee dalka, hannaanka dowlad yabyabka, iyo qodobo kale oo talo soo jeedin ay ka mid tahay.

"Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyadu waxay ku guuldareysteen in ay dhisaan nidaam wadatashi oo shaqeynaya si loo xaliyo khilaafaadka iyo dagaaladda guddaha” ayaa lagu yiri warbixinta.

Hoggaamiyayasha siyaasadda Soomaaliya ayay warbixintu ku edeysay in aysan ixtiraamin heshiisyadooda, waxaana lagu duray in ay u bira tumaan qalalaasaha qabiilka, halka ay taas baddalkeeda ka shaqeyn lahaayeen waxa dastuurka dalku farayo.

Warbixinta waxaa lagu xusay dagaalladii caasimadda ka dhacay 25-kii April, waxaana musuuliyadda colaadahaas dusha laga saaray jilayaasha Siyaasadda oo heshiis la’aantoodu ay dalka galisay jahwareer siyaasadeed.

Sidoo kale, warbixinta Xukuumaddu ka biya diidday, waxaa loo gogol xaaray muddo dheereysiga AMISOM, waxaana lagu sheegay in ciidamadda Soomaaliya aysan u diyaar-saneyn in ay mas’uuliyadda ammaanka dalka kala wareegaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Qodobada ku xusan waxaa kale oo ka mid ah in ciidan isku dhaf ah loo diro Soomaaliya, marka la gaaro xilliga la qorsheeyay in ciidamada AMISOM ka baxaan dalka, isku dhafkaan cusub waxaa ku jira AU iyo UN, wajiga koobaad ayaana dhaqan gali kara curashada sanadka soo socda, kaas oo so oaf-xirmi doona lix sano kadib.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibaahim Mucalimuu ayaa sheegay, in golaha Wasiirrada ay shir deg deg ah ka yeelanayaan arrintan, dhawaanna bayaan rasmi ah kasoo saari doonaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.