Waa siddee nolosha xeryaha barakacayaasha Muqdisho?

Waayaha barakaca oo ah mid wata dhibaatooyinkiisa, ayey xilligan duleedka Muqdisho ku qaabilayaan kumannaan Soomaali ah oo guryahooda u soo faarujiyey siyaabo kala duwan.

Warar Keydmedia Online
Waa siddee nolosha xeryaha barakacayaasha Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Barakacayaasha ayaa qeybtood ka soo cararay dagaallada ka ooggan gobolka shabeelaha hoose, kuwa ayaa fatahaad ka soo barakacay halka kuwa kalana ay ka soo hayaameen abaaraha dalka ka jira iyo qaar uu beerahoodu xaalufiyey cayayaanka ayaxa.

Dhamaan dadkan waxey daris la yihiin, waayo ka adag kuwii ay ka soo hayaameen, mana helin nolol dhaanta toodii hore.

Waxey aad ugu dhiban yihiin baahiyaha aas aasiga ah ee aanu aaddanuhu ka maarmin,  waana tan kordhineysa wal walka hareeyey noloshooda.

Cunnada

Waa kuwa gucla orad badan u gala raadinta nolosha maalin laha ah waxaana ay ka xoogsadaan suuqyada Muqdisho, iyagoo marna soo hela kolna waaya, waxaana jira kuwa baahiyo gaar ah qaba oo dawarsada dadka.

Markaad ku booqato Kaamka ay ku nool yihiin, waxa ay kuu sheegayaan in hal xilli quutaan, seddexda waqti ee uu dadku raashinka qaato.

Biyaha iyo musqulaha

Biyaha ayey aad ugu liitaan, mana helaan biyo nadiif ah, iyadoo halkii jirgaan ee biyaha laga siisto 2 kun oo shilinka Soomaaliga ah, waxana dhacda in lacagtaa marar  qaar aanay jeebkoodu ku jirin.

Musqulo yari xooggan ayey sidoo kale qabaan, waxaana kaamamka qaar ku yaalla labbo suuli, taasoo qasbeysay in ay wada isticmaalaan 500 boqol ee ruux ee kaamkaasi deggan, taasoo keeneysa in ay dilaacaan xanuuno kala duwan.

Caafimaadka

Caafimaadka ayey dhibaato adag ka maraan, waxaana kuwooda buka jirin meel lagu dabiibo, ama cid siisa dawo uu qofkaasi ku bugsoodo, maadaama xarrumaha caafimaadka ay yihiin kuwa dhaqaale loo furtay.

Dadka qaar haba ugu badnaadaan caruurta iyo haweenka ayaa noloshooda ku waaya, xanuunnada ku badan xeryahaasi oo ay ka mid yihiin Shuban biyoodka, kor cun cunka, malaariyada, Jadeecada iyo Tifowga.

Haweenka uurka leh ayaanan sidoo kale heysan goobo lagu umuliyo, waxana ay u geeyaan umuliso dhaqameed, taasoo soo de-dejisa in ay umul raacato haweeneydii uurka lahayd kadib markii ay aad u dhiig baxdo.

Waxbarashada iyo hoyga

Ubadka qoysaska barakacayaasha ayaanan nasiib u yeelan sida caruurta da'dooda ah in ay helaan waxbarasho, waxaana taasi diidday waayaha adag ee dabraya qoysaskoodu, oo dhaqaale ahaan jooga halka ugu hooseysa aaddahaha.

Caruurtan qaarkood ayaa ka qeyb qaata soo saaridda nolosha maalin-laha ah ee qoysaskooda, waana kuwa ku shaqeysta xirfado ay ka mid yihiin baalashida kabaha, halka ay jiraan kuwa iibiya garaabada qaadka, waana arrin aad looga damqado in ilmo ka yar 14 sano uu iibiyo maan-dooriye.

Aqallada ay ku hoydaan waa kuwo ka sameysan cooshado, oo aan ka difaaci karin qabowga habeenkii iyo qoraxda maalinta, waana dad ban cidlo ah yaalla.

Maxey ahaayeen markoodii hore

Dadkan ayaa inta aysan soo barakicid ka hor ahaa beeraleey iyo xoola dhaqato, iyagoo nolol maalmeedkooda ka soo saaran jiray tacabka beerahooda uga soo go'a, halka kuwa xoola dhaqata ahna ay manaafacaadsan jireen tirada neefafka ay heystaan, mar ay listaan iyo mar ay gowracdaan ama iibsadaanba.

Hadda waa kuwa xubeer ah oo nolosha ka taagan meel aad u hooseysa, waxeyna badankooda niyad jab ka muujinayaan halka uu ku biyo shuban doono mustaqbalkooda danbe, maadaama aysan dib ugu laaban karin deegaannadii ay ka soo hayaameen, oo ay weli ka jirto baahidii ay ka soo carareen.

Horjoogayaasha xeryaha

kaam kasta oo duleedka Caasimadda ku yaala, waxaa horjooge ka ah qof nolosha dhaqaale ahaan uga jira dabaqada dhexe, kaasoo dadkan u dhisay cooshadaha ay deggan yihiin, wuxuu taa baddelkeeda ka qaadaa sawiro isagoo magacooda ku raadsanaya gargaar.

Sida horjoogayaasha badankooda lagu eedeeyo, waxa uu ka helo hay'addahaasi ayuu saddex meelood hal meel siiyaa dadkan, maadaama laga rabo sawiro caddeynaya halka uu mariyey waxa loo dhiibay, taasoo caqabad weyn ku ah.

Hay'adaha gargaarka

Hay'adaha gargaarka ee xalane tuban, ayaanan dadkan wax war ah u heynin, mana soo indha indheeyaan xaaladdooda, iyagoo marka ay wax soo dhiibayaana usoo mariya, dadka aan qeybta sare ku soo sheegnay ee loo yaqaan horjoogayaasha, waxaase yar gurmadka laga helo hay'adaha, maadaama ay jiraan kaamam aan sanado badan wax kaalmo ah helin.

Dowlada Fedralka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ay dadkan ku hoos nool yihiin ayaa iska indho tiraya Soomaalidan dayacan, waxaana mar kasta ay magacabaan guddi aan waxba ka baddaleynin xaaladda barakacayaashan, iyadoo sanduuqyada dowladda ay ku dhacdo lacago loogu tala galay in lagu caawiyo dadkan, taasoo ay ku yaboohaan waddamada caalamka, lamana ogaa halka ay marto, waana mid ka mid ah waxyaabaha qasbaya in Soomaaliya ay kaalmaha hore kaga sii jirto dalalka dunida ugu masuq-maasuqa badan.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.