Waa siddee xaaladda caafimaad ee Mucalimuu?

Dhaqaatiirta Isbitalka ku yaalla Istanbul ee la dhigay, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, ayaa saxaafada u sheegay in xaaladda caafimaad ee Afhayeenka DF ay so fiicnaatay.

News Keydmedia Online
Waa siddee xaaladda caafimaad ee Mucalimuu?

ISTANBULTurkiga - Diyaarad qaas ah o ay leedahay dowladda Turkiga, oo uu dalbay Ra'iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shalay afhayeenka xukuumadda Mucalimuu iyo darawalkii gaarigiisa, ka qaaday garoonka Muqdisho, kadib markii dhaqaatiirta Isbitalka uu ku jiray ee Digfeer, ay sheegeen inuu u baahan yahay qaliin kooban iyo adeeg caafimaad oo hor leh, kaas oo laga heli karo Turkiga.

Dhaqaatiirta Isbitalka Seher ee Istanbul ayaa sheegay, in xaaladiisa caafimaad ay dhaanto sidii hore, isla markaana ay u fulinayaan iminka adeegyo caafimaad, si ay u hagaagto xaaladiisa, uuna ugu laabto dalkiisa.

Saraakiisha caafimaad ee warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay, in lagu guuleystay qaliin saacado kooban qaatay, kaas oo looga bixinayey firiro ka galay mid ka mid ah addimadiisa hoose, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyey, inuu ku bogsan doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Maxamed Ibraahim Mucalimuu, oo ah Weriye, muddo dheer ka howl galayey gudaha dalka, ayaa isbitalka uu ku jiro, waxaana booqasho ugu tagay, Soomaali badan oo ku sugan dalka Turkiga, kuwaas oo doonaya in ay wax ka oogaadaan xaaladiisa caafimaad.

Wuxuu markii 5-aad gudaha Muqdisho, kula kulmay qaraxyo waxyeelo gaarsiiyey xubnaha jirkiisa, waxaana iminka beesha uu ka soo jeedo iyo Ra'iisul Wasaaraha dalka ay wadaan dadaalo, loogu abaal marinayo kursiga aqalka hoose ee uu u sharaxan yahay, si ay niyad dhis ugu noqoto, dhabar adeega uu ka muujiyey waqtiyadii adkaa ee la soo gudboonaaday.

Madaxweynihii hore ee Farmaajo iyo saaxiibkiisa siyaasadda Fahad, ayaa lagu tuhmayaa qaraxa lagu dhaawacay Mucalimuu, maaddaama uu ka mid ahaa, xubnaha sida aadka ah ugu dhaw Ra'iisul Wasaaraha dalka, oo khilaaf ba'an uu kala dhaxeeyo Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.